Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa qiray in doorashadu sida ay u socoto aanu ahayn habkii la rabay isaga oo ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada in doorashada la daadajiyo islamarkaana ay fadhi ka yeeshaan.
“Doorashada waa waajib na wada saran, doorashada wey socotaa balse sidii la rabay uma socoto, waxaan madaxda maamul-goboleedyada ugu baaqayaa in la dardar-geliyo fadhina aan ka yeelano sida ugu dhakhsiyaha badan shacabka Soomaaliyeedna aan u sheegno wakhti aan ku soo gebagayn” ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.
Rw Rooble oo xalay ka qayb-galayay munaasabadda Sannad-guurada 3-aad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo lagu qabtay magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay inay jirto cabasho ku saabsan doorashada oo ka soo gaarta qaybo kala duwan isaga oo intaa raaciyay in ay arrintaa wax ka qabanayaan.