Waxgaradka 6-da deegaan baarlamaneedka ee Mvita, Changamwe, Likoni, Jomvu, Nyali iyo Kisauni ee ismaamulka Mombasa ayaa maanta si wadajir ah u shaaciyay inay taageerayaan musharraxnimada madaxweyne ee hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.
In ka badan 10,000 oo waxgarad ah ayaa go’aankooda shaaca kaga qaaday goobta shirarka ee Sheekh Khalifa Hall ee magaalada Mombasa.
Waxay go’aankooda ku saleeyeen in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka uu sanado badan u ololeynayay xuquuqda shacabka gobolka xeebta.
Mr. Odinga ayaa dhankiisa ballanqaaday in hadii hoggaanka wadanka loo doorto uu xallin doono caqabada dhanka dhulalka ee xeebta.
Hoggaamiyaha ODM ayaa xusay in dowladdu ay mas’uuliyad ka saran tahay xaqiijinta in dhammaan muwaadiniinteeda ay si siman u qaybsadaan kheyraadka qaran.
Waxaa uu dadweynaha ku boorriyay inay midoobaan isagoo xusay inuusan horumar gaari karin waddan ay shacabkiisu kala qaybsan yihiin.
Kulanka maanta ee taageerada loogu muujiyay Mr.Odinga waxaa ka qayb galay barasaabka Mombasa Cali Xasan Joho, xildhibaanka Mvita Cabdulsawad Sharif Naasir ,Mishi Mboko oo baarlamaanka ku matasha shacabka (Likoni), Xildibaanka Changamwe Cumar Mwinyi,Badi Twalib oo laga soo doortay (Jomvu) Sheekh Juma Ngao iyo mas’uuliyiin kale.