Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamad Laftagareen ayaa maanta magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay dhigiisa Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Wufuudda ay madaxdan hor kacayaan ayaa ka qayb galaya munaasabad lagu xusayo sanadguuradii saddexaad ee ka soo wareegatay markii Laftagareen loo doortay hoggaanka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Laftagareen oo madaxda u mahadceliyay ayaa xusay inay yeelan doonaan wada tashiyo dhinacyo badan ah.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Deni iyo Qoorqoor ku soo dhaweeyay Baydhabo