Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ku dhintay dhismaha huteelka Sunstar oo afar dabaq ka koobnaa kaas oo maalin ka hor ku dumay deegaanka Gatanga ee ismaamulka Murang’a.
Dhimashada ayaa hadda maraysa 6 ka dib markii qof dheeraad ah uu geeriyooday.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka ee dalka James Macharia oo maanta booqday goobta uu dhismaha ku dumay ayaa dhanka kale xaqiijiyay in mid ka mid lixda qof ee dhintay uu ku geeriyooday isbitaalka.
Waxaa uu intaa ku daray in wali la la’ yahay saddex qof oo dhismaha ku hoos jiro islamarkaana howlaha samatabixinta la soo gabagabeeyn doono gelinka dambe ee maanta.
Wasiirka ayaa xusay in aan loo baahneyn in dhacdooyinka noocaan ay soo noqnoqdaan, madaama ay meesha ka saaraysa dhammaan shaqadii wanaagsanayd ee la qabtay.
Waxaa uu dadka guriyaha dhista ugu baaqay inay maalgashadaan deegaan nabdoon oo la isku haleyn karo.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dhismo ku dhagganaa huteelka dumay islamarkaana uu isna dhismo ku socday la dumin doono ka dib markii la cambaareeyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda ay durbaba baadi goob ugu jirto dhammaan shaqaalahii ku howlanaa dhismaha dumay.
Mr. Macharia ayaa sheegay in agaasinka waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay haatan ku raadjoogaan dhammaan xirfadlayaasha dhismahaasi wax ka dhisayay.
Waxaa uu xusay in afar kun oo dhismo oo ku yaalla ismaamulka Murang’a la calaamadeeyay kuwaas badqabkooda la isku haleyn karin.
Waxaa uu ugu dambeyn kula dar daarmay maamulka qaran ee kormeera dhismayaasha ee NCA inay si degdeg ah u kormeeraan dhismooyinka badqabkooda la isku haleyn karin.