Ciidamada ammaanka oo raadinaya labo qof oo burburiyay agabka adeegga SGR

0
464

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in saraakiisha ammaanka ay raadinayaan labo qof oo loo haysto inay xalay burbur u gaysteen khadka casriga ee tareenada ee SGR-ka.
Tuhmanayaasha ayaa laga dhex arkay muuqaal ay duubtay kaamerada qarsoon ee CCTV-da xilli ay falkaasi ka gaysanayeen degmada Makindu ee ismaamulka Makueni.
Saraakiisha ilaaliya marinka tareenada ayaa ka war helay shakhsiyaadka oo ku howlan inay jaraan xiriirka korontada ee goobtaasi.
Waxaa markiiba la howlgeliyay ciidamada booliska ee saldhigyada Makindu iyo Emali si ay eedeysanayaasha u soo qabtaan hasa ahaate labada qof ee hadda la raadinaya ayaa baxsaday.
Waaxda dambi baarista ayaa dadweynaha uga digtay inay isku dayaan burburinta agabka adeegga casriga ee ay maraan tareenada maadaama cidii lagu helo lagu soo oogi karo dembi la xiriira carqaladeyn dhaqaale iyo argagixisanimo.
26-kii bishii hore ayay ahayd markii la qabtay labo qof oo lagu eedeyay inay magaalada Mtito Andei ee dowlad deegaanka Makueni ay ku burburiyeen khadka SGR-ka.