Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Pakistan Shah Maxmuud Qureshi ayaa beesha caalamka u soo jeediyay inay kaashato kooxda Taalibaan si looga hor tago dhibaato baniaadanimo oo saameysa shacabka dalka Afghanistan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in cawaaqib xumo lala kulmi karo haddii aan wax laga qaban hoos u dhaca dhaqaalaha Afghanistan.
Baaqan ayuu soo saaray xilli uu wasiirku furayay kulan gaar ah oo ay magaalada Islamabad ku yeelanayaan 57-da xubnood ee hay’adda iskaashiga islaamka ee (OIC).
Shah Maxmuud Qureishi ayaa ka digay macluul baahsan, sare u kac xagjirnimo iyo qulqul qaxooti oo soo foodsaara dalka Afghanistan.
Waxaa uu ku celceliyay in aanan marnaba la iska indha tiri karin khatarta ka dhalan karto hoos u dhaca dhaqaale ee hadda wadankaasi ka jiro.
Tan iyo markii bartamihii bishii siddeedaad ee sanadkan ay kooxda Taalibaan la wareegtay xukunka Afghanistan waxaa la xannibay hanti iyo gargaar lacageed oo dhan ballaayiin doolar oo ay ku deeqday beesha caalamka taasoo xaalado adag oo nololeed u horseedday 38 milyan oo ku nool gudaha wadankaasi.