Laamaha ammaanka ee dalka Guatemala ayaa xaqiijiyay in 12 qof ay ku dhinteen iskudhac salka ku haya muranka dhulka.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay tuulada Chiquix oo masaafo dhan 155 kiilomitir dhanka bari kaga began caasimadda dalkaasi ee Guatemala City.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in khilaafka dhulka oo ilaa 100 sano soo jiray uu is qabadsiiyay labo ka mid ah bulshooyinka halkaasi deggan.
Dadka lagu dilay dagaalka waxaa ka mid ah haween iyo saddex carruur ah.
Sarkaal boolis ah ayaa isna dhintay xilli uu falcelin sameynayay halka labo kale la dhaawacay.
Waaxda qaran ee booliska Guatemala ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay wada hadal u furayso hoggaamiyaasha bulshooyinka dagaallamay si mustaqbalka looga hor tago rabshad noocani ah.
Xafiiska xuquuqul aadanaha ee dalkaasi ayaa dhankiisa soo jeediyay in la xoojiyo amniga aagga dadka lagu dilay.