DHAGEYSO:Siyaasiyiinta OKA oo maanta la kulmaya dalladda bartamaha dalka

0
273

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee xisbiyada ANC,Wiper, KANU iyo Ford-Kenya ee ku midoobay isbeheysiga OKA ayaa lagu wadaa inay maanta deegaanka Thika kulan kula qaataan xubnaha dalladda Mount Kenya Forum.
Madaxdan ayaa kala ah Musalia Mudavadi , Kalonzo Musyoka, Gideon Moi iyo Moses Wetangula.
Mr. Musyoka oo dhawaan warbaahinta u warramay ayaa sheegay in shirka ay diiradda ku saari doonaan sida dalladda bartamaha wadanka ay isbeheysiga OKA ugala shaqeyn karto xoojinta midnimada kenyaanka.
Siyaasiyiintan ayaa maalmo ka hor shaaciyay inay soo bandhigi doonaan musharraxa ku matalaya loolanka madaxtinimo ee sanadka 2022-ka.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo maanta ku sugan ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa shacabka ku boorriyay inay ka digtoonaadaan siyaasiyiinta doonaya inay kala qaybsanaan ka dhex abuuraan.

Sidoo kale waxaa dowlad deegaanka Mombasa gaaray madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo 10-kii bishan ku dhawaaqay inuu markii shanaad u tartami doono hoggaanka ugu sarreeya dalka.
Raila ayaa adeegsanaya hiigsiga mideynta bulshada ee loo yaqaano Azimio La Umoja.