Wasaaradda caafimaadka ee dalka Jarmalka ayaa shaacisay in boqortooyada Ingiriiska lagu daray liiska dalalka caalamka ee wajahaya halis sare oo la xiriirta caabuqa corona.
Tallaabadan ayaa ka dhigan in la soo saarayo xayiraado adag oo dhanka safarrada ah.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo qaaradda Yurub ay la tacaalayso sare u kac ku yimid kiisaska nooca cusub ee cudurka COVID-19 ee Omicron.
Madaxa Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa ka digtay in faraca Omicron uu Yurub ku baahi karo bartamaha bisha koowaad ee sanadka dambe.
Toddobaadkii cisho ee ugu dambeeyay waxaa gudaha magaalada London ee Ingiriiska laga diiwaangeliyay in ka badan 65,000 oo ah xaaladaha cusub ee cudurka COVID-19.
26,418 oo ka mid ah xaaladahan ayaa la xaqiijiyay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay.