DHAGEYSO:Madaxtooyada Soomaaliya oo faahfaahisay shirka Turkiga iyo Afrika

0
330

Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya C/rashiid Maxamad Xaashi ayaa faahfaahin ka bixiyay Ahmiyadda uu Soomaaliya u leeyahay Shirka Afrika iyo Turkiga iyo qodobbada ugu muhiimsan ay madaxda Soomaalida oo madaxweyne Maxamad C/laahi Farmaajo hoggaaminaya ay kulankaasi ku soo bandhigeen iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Sidoo kale agaasimaha warfaafinta Soomaaliya ayaa ka hadlay warar ay warbaahinta Soomaaliya baahisay oo ku saabsan in Madaxweyne Farmaajo uu waydiistay dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan in Soomaaliya la siiyo Diyaaradaha Droneska ee Turkiga lagu farsameeyo balse agaasimaha warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay inay arrimaha ammaanka ka wada hadleen si qoto dheerna looga wada hadlay arrimaha la dagaalanka kooxaha argagixisada balse aysan jirin diyaarado dagaal oo uu madaxweynuhu Turkiga waydiistay balse ay kali ah baraha bulshada ku arkeen