Garsooraha maxkamadda sare ee ismaamulka Kisii Rose Ougo ayaa diiday inay damaanad ku siidayso 6 eedeysanayaal oo loo haysto in 17-kii bishii Tobnaad ee sanadkan ay dileen afar haween ah.
Haweenka oo da’ ahaa ayaa lagu dilay tuulada Nyagonyi ee degmada Marani .
Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaaba Amos Nyakundi, Chrispine Ogeto, Peter Angwenyi, Brian Nyakundi, Ronald Ombati iyo Justin Morara.
Maxkamadda ayaa lagu wargeliyay inay dilalka gaysteen iyagoo afarta qof ee dumarka ah ku eedeynaya inay ku howlan yihiin khuraafaad.
Garsoore Rose Ougo ayaa go’aankeeda u cuskatay in dembiga ay wajahayaan uu yahay mid culus sidoo kalena haddii damaanad lagu siidaayo laga cabsi qabo in bulshada ay shakhsiyaadkan ka takhalusto.
Dacwaddan ayay maxkamadda dhageysan doontaa koowda iyo labada bisha saddexaad ee sanadka 2022-ka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la soo xiray tuhmanayaal kale oo lala xiriirinayo dilalka dhacay si berri maxkamadda loo soo taago.