Boolis lagu dhaawacay Mandera oo weli isbitaalka ku jiro

0
845

Waxaa weli xaaladooda caafimaad lala tacaalaya labo ka mid ah ciidamada booliska keydka oo 14-kii bishan lagu dhaawacay dowlad deegaanka Mandera.
Shakhsiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa abaare 7-dii fiidnimo weerar gaadmo ah ka gaystay degmada Olla Division ee waqooyiga Mandera.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in saraakiisha la bartilmaameedsaday ay ka mid ahaayeen koox roondo sameynayay.
Weerarka ayaa la rumeysan yahay inay gaysteen ilaa 30 dagaalyahaano ah.
Booliska dalka ayaa xusay in la xoojiyay ammaanka aaggaasi iyadoo shacabka loogu baaqay inay feejignaadaan oo ayna laamaha ammaanka ku soo wargeliyaan waxyaabaha ay ka shakiyaan.