In ka badan 800,000 oo Maraykanka ugu dhimatay COVID-19

0
294

Tirada guud ee dhimashada ka dhalatay cudurka COVID-19 ee gudaha Maraykanka ayaa kor u dhaaftay 800,000 sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University oo si dhow ula socoto faafitaanka caabuqa corona.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qiyaastii 450,000 oo dhimashada ka mid ah la diiwaangeliyay sanadkan 2021-ka.
Dadka gudaha Maraykanka ugu dhintay cudurka ayaa intooda badan ah kuwo aan qaadan dawooyinka tallaalka.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in iyadoo la xusuusanaya nolosha dadka u dhintay cudurka haddana ay khasab tahay in tallaabooyin wax ku ool ah la qaado.
Macluumaad rasmi ah ayaa muujinaya in qofka aan qaadan tallaalka COVID-19 halista uu ugu jiro inuu cudurka u geeriyoodo ay 14 mar ka badan tahay kan laga tallaalay.