Wasaaradda caafimaadka oo walaac ka muujisay xaaladaha COVID19 ee sii kordhaya

0
301

Wasaaradda caafimaadka ee dalkani Kenya ayaa walaac ka muujisay koror ay sheegtay inuu ku yimid kiisaska cudurka COVID19 ee sida maalinlaha ah gudaha wadanka looga diiwaangeliyo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaar ka mid ah wadamada caalamka ay la tacaalayaan nooca cusub ee corona ee Omicron.
In kastoo faracan cusub aan weli laga xaqiijin Kenya , sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dalka Dr.Patrick Amoth ayaa laga soo xigtay in isqaadsiinta COVID19 ay gaartay boqolkiiba 11.5 .
Waxaa uu xusay in toddobaadkii ugu dambeeyay ay kiisasku kordheen inta u dhexeysa boqolkiiba hal ilaa 6.5.
Shalay ayay ahayd markii ay wasaaradda caafimaadka ee dalka shaacisay xaaladaha cusub ee COVID19 oo gaaraya 331.
Tirada guud ee kiisaska cudurka ee ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay gudaha Kenya ayaa ah 256,815 .
Waxaa xanuunka ka caafimaaday 248,804 bukaan halka dhimashada guud ee ka dhalatay COVID19 ay tahay 5,349.
Dr.Amoth ayaa tilmaamay inay suurtagal tahay in dowladda ay dib u eegis ku sameyso tallaabooyinka ay ku xakameynayso faafitaanka caabuqa corona.
Waxaa uu dadweynaha kula taliyay inay si buuxda ugu hoggaansamaan amarrada sida kala fogaanshaha, isticmaalka afxirka iyo gacmo dhaqasho joogto ah.
Sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Amoth ayaa dhanka kale dhammaan kenyaanka ku boorriyay inay qaataan tallaalka ka dhanka ah cudurka.