Qiimaha lacagta Afghanistaan oo aad hoos ugu dhacday

0
366

Lacagta dalka Afghanistaan ayaa hoos u dhacday waxayna gaartay isniinta maanta ah meeshii ugu hoosaysay marka loo eego dollarka Mareykanka taasoo lagu qiyaasay hoos u dhac 30 boqolkiiba ah.
Afghanistaan ayaa wajahaysay lacag yari iyo burbur dhaqaale ilaa markii ay hogaanka dalkaas la wareegtay Taalibaan bartamihii bishii Sideedaad ayadoo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ay hakiyeen balaayiin gargaar ah oo ay sanad kasta siin jireen maamulkii hore ee Afghanistaan ee uu Maraykanku taageerayay.
Guddiga sarifka lacagaha Afghaanistaan ayaa sheegay inay bangiga dhexe ku booriyeen inuu soo faragaliyo xaalada suuqa ka taagan si loo kordhiyo dhaqaalaha dalka ee liicay oo hoos u dhacay 130 marka la eego dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee Isniinta maanta ah kaasoo hoos uga dhacay boqol todobaad ka hor.
Tan iyo markii ay Taalibaan dalka la wareegtay bangiga dhexe waxaa laga xanibay 10 bilyan oo dollar oo ka mid ahayd dhaqaalaha Maraykanka u yaalay.
Tan iyo horaantii todobaadkii hore hoos u dhaca dhaqalaha Afghanistaan ayaa xowli ku socday taasoo keentay cabsida suuqa laga qabo inay bangiyada waa weyn xirmaan.
Bangiyada ayaana xanibaado adag saaray macaamiisha taasoo ruxday hanaanka maaliyadeedka Afghanistaan.
Lacagta cadaanka ah ee dalkaasi ayaa waxaa gaaray burbur xooggan waxayna taasi keentay inuu wadanku wajaho xaalado bani’ aadanimo oo aad u qoto dheer.
Dad badan oo ku nool caasimada dalka Afghanistaan ee Kabul ayaa bilaabay inay iibiyaan alaabahooda si ay naftooda ugu quudiyaan,in ka badan kala bar shacabka Afghanistaan ku nool oo ah 38 milyan ayaa wajahaya cunta yari daran sida ay sheegtay Jimciiyada Qaruumaha ka dhexaysa ayadoo xiliga jiilaalku uu malaayiin qof ku qasbay inay kala doortaan Tahriib Khatar badan ama gaajo u dhintaan.