Iyadoo shalay dalka laga xusay maalinta Jamhuri Day ayaa sidii ay horay dowladda u shaacisay maanta ay tahay maalin fasax qaran oo ay Kenyaanka ka nasanayaan shaqooyiinka dowladda.
Tani ayaa loo aaneeyay in xuska maalinta Jamhuri Day oo sanad kasta la qabto 12-ka bishan uu ku soo beegmay shalay oo Axad ahayd .
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaran Dr. Fred Matiang’i u sheegay in Isniinta maanta ay tahay maalin qaran oo fasax ah.
Wasiirka ayaa cuskaday qaybaha labaad iyo afaraad ee xeerka maalmaha fasaxa qaran ee Public Holidays Act.
Xeerkan ayaa dhigaya in haddii xus qaran uu ku soo aado Axad, maalinta xigta ay noqonaysa fasax ay dadweynaha ka nasanayaan shaqooyinka.