70 neef oo lo’ oo lagu dhaawacay ismaamulka Homa Bay halka 8 la dilay

0
312

Ku dhawaad 25 guri oo ku yaalla deegannada hoose ee waqooyiga Kanyamwa iyo koonfurta Kanyabala ee ismaamulka Homa Bay ayaa xalay waxaa weerar ku soo qaaday dad aan la garaneyn kuwaas oo toorriyeeyay in ka badan 70 neef ah oo lo’, sidoo kalena dilay 8 kale.
Shacabka ayaa ka gadooday habacsanaanta ka jirta deegaanka dhacdadan laga soo tabiyay, waxayna ka codsadeen dowladda inay xoojiso ammaanka aagaasi.
Toddobaad ka hor ayay ahayd markii dhacdo sidan la mid ah ay saameysay degmada hoose ee Wahondo ee ismaamulka Homa Bay halkaas oo lagu dilay 31 neef oo lo’, iyadoo 58 kale la gaarsiiyay dhaawacyo halis ah.
Dadka deegaanka ayaa ka walaacsan weerarrada is daba jooga ah ee lagu hayo xoolaha xilliga habeenkii.