Maamulka Hirshabelle oo amarro dul dhigay warbaahinta

0
250

Wasaaradda Warfaafinta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle ayaa ku wargelisay dhammaan Warbaahinta iyo Ururrada Saxaafadeed ee ka howlgalla degaannada Maamulkaas inay is soo diiwaangaliyaan.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Wasaaradaasi Maxamad Cabdiraxmaan Maxamad ayaa lagu sheegay in, iyagoo ka duulaya dardargalinta howlaha Wasaaradda, iskuxirka iyo ka warqabka hay’adaha warbaahineed ee ka howlgalla Hirshabeelle, maankana ku haya muhiimadda ay warbaahintu u leedahay horumarka bulshadda iyo dhismaha dowladnimadda la farayo dhammaan hay’adaha iyo ururadda saxaafadda ee ka howlgalla Hirshabeelle inay muddo bil gudaheed ah laga bilaabo maanta ilaa 12-ka bisha Koowaad ee sanadka soo socdo ay isaga diiwaangaliyaan Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Hirshabelle.
Waxaa la sheegay inuu amarkaan qabanayo hay’ad kasta oo warbaahineed taasoo doonaysa inay deegaanada maamulka Hirshabeelle ka howlgasho.
Sidoo kale qoraalka ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle waxaa lagu sheegay in cidkasta oo aan hanaankan kor ku xusan soo marin aysan aqoosan doonin wasaaradda, islamarkaana dhawaan ay shaacin doonaan magacyada Hay’adaha iyo ururadda ay aqoonsantahay Wasaaradda warfaafilinta ee ka diiwaangashan.