Kenya oo maanta u dabbaal dagaysa xilligii ay jamhuuriyad noqotay

0
282

Waxaa beerta Uhuru Gardens ee magaalada Nairobi ka socota munaasabaad ay Kenya ugu dabbaal dagayso sanadguuradii 58-aad ee ka soo wareegatay xilligii ay noqotay jamhuuriyad.
12-kii bishii Diseembar ee sanadkii 1963-dii ayay Kenya u suurtagashay inay lahaato maamulka gudaha ka dib markii ay madax bannaanida ka qaadatay guumaystihii Ingiriiska.
Xuskan ayaa noqonaya midkii ugu dambeeyay ee uu madaxweynaha hadda talada haya Mr. Uhuru Kenyatta ku hoggaamiyo shacabka maadaama wax ka yar sanad ay ka hartay muddo xileedkiisa.
Waxaa dabbaal dagga ka qayb galaya madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, madaxa xisbiga ODM Raila Odinga, dhigiisa ANC Musalia Mudavadi , guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi iyo mas’uuliyiin kale.
Jimcihii ayay ahayd markii uu xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr.Karanja Kibicho uu sheegay in keliya 11,000 qof ay ka qayb galayaan xuska maalinta Jamhuri Day iyadoo la raacaya tilmaamaha ay wasaaradda caafimaadka ku xakameynayso faafidda cudurka COVID19.
Ismaamullada dalka ayaan maanta lagu qabanayn xuska qaran ee Jamhuri Day.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu jeediyo khudbad uu ku ammaanaya shakhsiyaadkii u soo halgamay in Kenya ay hesho xurriyad iyo maamul gudaha oo gaar u ah.