Ismaamulkii ugu horreeyay oo diiday ansixinta BBI iyadoona ay rabshad dhacday

0
794

Ismaamulka Baringo ayaa noqday dowlad deegaankii ugu horreeyay ay ka soo hor jeestay warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI .
Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Baringo ayaa si aqlabiyad leh uga hor yimid geddisocodkan.
30 ka mid ah wakiillada ayaa maya u codeeyay warbixinta BBI halka 5 kaliya ay u codeeyeen haa.
Waxaa ka soo qayb gelin kal-fadhiga 5 ka mid ah wakiillada.
Dhanka kale rabshad ayaa ka dhacday xarunta golaha hoose ee ismamulka Baringo ka dib markii wakiillada ay ku kala qaybsameen ansixinta warbixinta ee BBI.
Fowdada ayaa bilaabatay ka dib markii guddoomiyaha guddiga cadaaladda iyo arrimaha sharciga ee ismamulkaasi Charles Kosgei uu miiska u soo saaray geddisocodka la doonayo in wax looga beddelo xeerarka wadanka.
Gacan ka hadalka ayaa yimid ka dib markii wakiilka deegaanka hoose Mogotio, Charles Kosgei uu dharbaaxay dhigiisa Kabarnet markii uu isku dayay inuu makarafoonka ka qaato.
Tani waxay imaaneysaa iyada oo xogheynta BBI ay ugu baaqday goleyaasha deegaanada dalka in loo ogolaado wakhti ku filan ay uga qayb geliyaan dadweynaha warbixintan.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo maanta wakiillada Homa Bay ayaa si aqlabiyad leh codkooda ugu taageeray hindisaha BBI oo uu hor dhigay guddoomiyaha guddiga cadaaladda iyo arrimaha sharciga Ajimba Ayieta waxaana labeeyay Kevin Onyango oo si magacaabid ah ku galay golahaas.
Si loo qabto afti dastuuri ah waxaa loo baahan yahay in qorshahan ay taageeraan wakiillada ugu yaraan 24 ka mid ah 47-da ismaamul ee uu dalku ka kooban yahay.