Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in maanta uu kenyaanka ku hoggaamiyo munaasabadda 58-aad ee maalinka qaran ee Jamhuri Day.
Waxaa xuska sanadkan lagu qabanayaa beerta xurriyadda ee Uhuru Gardens ee magaalada Nairobi.
Munaasabadda ayaa la qabanayaa iyadoo si adag loogu hoggaansamayo tilmaamaha wasaaaradda caafimaadka ee dalka si looga hortago faafitaanka cudurka COVID-19.
Waxaa martida lagu casuumay lagula taliyay in goobta ay sii fadhiistaan 8-da subaxnimo.
Xuskan waxaa keliya la qorsheeyay inay ka qayb galaan 11,000 qof.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga qabanqaabada xafladaha qaranka ayaa sheegay in 10,000 oo qof ay fadhiisan doonaan goobaha dadweynaha loogu talagalay halka 1000 qof la qorsheeyay inay fadhiistaan goob si heer sare loo dayactiray ee loogu talagalay madaxda sare ee dowladda iyo mas’uuliyiinta muhiinmka ah ee lagu casuumay fagaaraha Uhuru Gardens ee xuska maalinka qaran ee Jamhuri Day.
Mas’uulkan ayaa xusay in go’aankan lagu saleeyay ka hor tagga faafidda cudurka COVID-19, in kastoo tirada xuskan ka qayb galeyso ay 3 jibaar dheer tahay dadweynihii soo xaadiray xuska maalinkii halyeeyada ee Mashujaa Day kaas oo lagu qabtay ismaamulka Kirinyaga.
Martida munaasabaddan ka qayb galeysa ayaa soo laga billaabo maalinka Jimcihii ilaa Axadda maanta cudurka COVID-19 looga tallaalayay deegaanka Langata.
Dabbaal deggan ayaa sanad kasta dalka ka dhaco taariikhda marka ay ku beegan tahay 12-ka bisha 12-aad ee Diseembar.
Munaasabaddan qaran ayaa lagu maamuusaa 12-kii Diseembar ee sannadkii 1963-dii xilligaasi oo Kenya ay fursad u heshay maamul gudaha ah ka dib sanado badan oo Ingiriiska uu guumeysanayay.
Waxaa sanadkan xuska qaran ee maalinka Jamhuri Day looga dabaal degi doonaa ismaamulka Nairobi oo keliya iyadoo aan ismaamullada lagu qaban doonin xaflado si aan la isku qaadsiin caabuqa corona.