Hoggaamiyihii mucaaradka Benin oo lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah

0
322

Maxkamad ku taalla dalka Benin ayaa xukun ku riday haweeney si aad siyaasad ahaan isku hayeen madaxweynaha wadankaasi Patrice Talon, taas oo lagu soo oogay dacwad ah inay ku lug lahayd falal argagixiso.
Reckya Madougou ayaa lagu xukumay 20 sana oo xarig ah ka dib dhageysiga dacwadda oo qareenadeeda ku tilmaameen mid siyaasadeysan.
Qareenadeeeda ayaa sheegay in go’aanka lagu dhawaaqay 6-dii aroornimo ee shalay, iyadoo uunan jirin wax markhaati ah.
Xukunka Madougou, ayaa ku soo aadaya maalmo un ka dib markii xubin kale oo ka tirsan mucaaradka oo lagu magacaabo Joel Avivo asna lagu xukumay 10 sano oo xarig ah.
Waxaana lagu eedeeyay inuu maleegayay qorsho ka dhan ah dowladda iyo lacagta been abuurka ah.