Golaha midowga musharraxiinta oo ku baaqay in doorashada la hakiyo

0
328

Golaha Midowga Musharraxiinta Soomaaliya ayaa ku baaqay In doorashada la hakiyo, shir wadatashi ahna la isugu yimaado.
War-saxaafadeed ka soo baxay ayay ku sheegeen inay mar walba u taagan yahay xaqijinta sidii ay Soomaaliya kaga hirgeli lahayd doorasho hufan, daahfuran, natiijadeedana la isla ogol yahay,maadaama ay 30-kii bishii hore ay caddeeyeen shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inaysan qayb ka ahayn, aqbalayna waxa ay ugu yeeraan boobka qaawan ee doorashada golaha shacabka ay ku billaabatay.
Goluhu waxaa u codsay wadatashiyo ku aaddan sida ugu haboon ee looga hortaggi karo boobka doorashooyinka,wuxuu kala xulanayaa hadba tallaabada ku habboon ee dalka looga samatabixin karo xaaladda adag ee uu marayo.
Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa sheegay inay mudnaanta siinayaa in la saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashooyinka lagu wado, ayagoo Taas ka duulayana Goluhu waxay soo jeedinayaan:
1-In doorashada la hakiyo, shir wadatashi ahna la isugu yimaado, si loo saxo khaladaaadka jir, lana xalliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku billawdeen doorashooyinka Golaha Shacabka.
2-In la saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada lagu wado, si ay taas u hirgasho waxaa lagama maarmaan ah;-
a) In la faafiyo liiska odayaasha dhaqanka 135, iyo guddi- beeleedka soo xulaysa ergada kursi kasta.
b) In la xaqijiyo ergada wax dooranaysa inay yihiin kuwii ay soo xuleen odayaasha dhaqanka, la diiwan geliyo, la faafiyo magacyadooda.
c) In kursi kasta lagu tartamo isla markaana la mamnuuco waxa ay ugu yeereen malxiiska iyo in shakhsi loo xiro.
d) In goob kasta oo doorasho ay joogaan korjoogayaal Soomaali ah, kuwo caalami ah, iyo saxaafadda madaxa bannaan.
e) In dib loogu laabto doorashada kuraasta ay sheegeen in la boobay lana waafajiyo habraaca doorasho ee lagu heshiiyo, In markii la saxo habraaca doorashada, la soo saaro jadwal midaysan oo ay ku caddahay maalinta ay billaabaneyso iyo maalinta ay dhammaaneyso doorashada.
g) In aan baaritaan lagu celin karin xubnihii Baarlamaankii hore, halka tartamaha cusub ee xilka xildhiban looga joojin karo,keli ah fal danbiyeed ay Maxkamad xukuntay, iyo in lagu hayo fal argagexiso oo caddayn leh.
h) In murarashaxiinta u tartamaysa kursi kasta ay helaan fursado siman oo ay ergada kursiga kula kulmi karaan, ergadana aan loo didin inay si siman u arki karaan murashaxiinta kursiga
i) In aan Muqdisho loo soo wareejin karin kuraas deegaan doorasho kale.
j) In la xaqijiyo qoondada haweenka lana qeexo sida ay ku imaaneyso, si meesha looga saaro hab hawo-raac ah oo goondaynta loogu beegsanayo murashax gaar ah.
Goluhaha midowga musharaxiinta Soomaaliya waxay sheegeen inay diyaar u yyihiin ka qaybgalka doorashooyinka haddii la waafajiyo shuruudaha kor ku xusan. Haddiise la baal maro, lana sii wado boobka doorashada, ayagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee saaran, ay qaadayaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah samatabixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay.