Soomaliland oo u hanjabtay teleefishinka Universal ka dib doodi ay qabteen

0
406

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Saleemaan Yuusuf Cali Koore ayaa ugu hanjabay Maamulka Teleefishinka Universal Xaruntooda Magaalada Hargeysa ka dib dood ka baxday xaruntaasi.
“Waxaan habeen hore arkayay Tv-ga Universal oo baahinayay Dood Diinta & Dhaqankaba wax u dhimaysa Waxaan u sheegaynaa haddii ay qabtaan Barnaamijyadda caynkaas ah mar dambe innaan talaabo ka qaadi doono”
Waxaa uu intaasi ku daray in hadda ka hor ay xireen xarunta tv-ga Universal ee Hargeysa ka ddibna ay ku ganaaxeen tobanaan kun oo Doolar, wuxuuna sicad u sheegay Wasiirka in aysan ka aqbaleyn Maamulka Universal doodaha qaar oo ay qabanayaan.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dadkii dooda ka hadlayay qaarkood aysan aqoon luuqadda afka Soomaaliga oo uu dhib ku ahaa, kuwaas oo uu sheegay in aysan ka hadli karin dhaqanka Soomaalida.
Habeeno ka hor ayaa Tv-ga Universal waxaa ka baxay dood ay dad badan ka qeyb galeen taas oo qaar kamid ah Haweenkii ka qeyb galay ay sheegeen in Sodohda ay qeyb ka tahay burburka Guriga, isla markaana aysan ku noolaan Guriga uu Wiilkeeda xaas ku qabo, hadalkaas oo dood ka dhaliyay Baraha Bulshada.