Kulamo xal raadin ah oo Boosaaso ka socda

0
405

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in wada-hadallo xal raadin ah ay bilaabeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland & siyaasiyiin hore si xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya Madaxtooyada Puntland & Saraakiisha Ciidamada PSF.
Mid kamid ah Hoteelada Magaalada Boosaaso ayay wararku sheegayaan inay kulan horudhac ah ku yeeehay guddi ka kala socda labo dhinac oo nabad-raadin ah si ay u dejiyaan xiisadda la xariirta xil-wareejinta hay’ada PSF.
Guddiga labada dhinac kasocday ee kulmay ayaa kala ahaa Wasiirka maaliyada Puntland Xassan Shire, wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Timacade, Wasiirkii hore maaliyada Cabdullaahi Dhaqaaje iyo Xildhibaan Faarax Biyoole, waxayna isku afgarteen in xaalada la dejiyo lagana baaqsado waxkasta oo halis-galinaya Amniga Magaalada Boosaaso.
Tan iyo markii Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu xilka ka qaaday Agaasimaha Hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa waxaa Magaalada Boosaaso laga dareemayay xiisad labada dhinac u dhexaysa iyada oo xalay ay Madaxtooyada Puntland Ciidamo farabadan geeysay agagaarka Xarumaha Ciidamada PSF ee Magaalada Boosaaso waxaana horay natiijo la’aan ugu soo dhamaaday dadaalo xal raadis ah oo ay horay u bilaabeen qaar ka mid ah isimada deegaanada maamulka Puntland.