DHAGEYSO:William Ruto oo sheegay in UDA uu mideynayo shacabka

0
427

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto oo ololihiisa siyaasadeed geeyay ismaamulka Makueni ayaa sheegay in xisbiga UDA uu u taagan yahay mideynta bulshada.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in aan loo baahneyn isbeheysi siyaasadeed oo ku dhisan qaab qabiil.
Waxaa uu xusay inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhaliilaha loo jeediyo iyo go’aammada siyaasadeed ee isaga ka dhanka ah.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegaya in xisbiga UDA ay hadda xubno ka yihiin ilaa 160 xildhibaano ah.

Dhanka kale Raila Odinga ayaa maanta la kulmay guddiga qabanqaabinaya shirka lagu wado inuu berri ka qabsoomo fagaaraha Kasarani.
Madaxa xisbiga ODM ayaa la filayaa inuu shaaciyo inuu sanadka 2022-ka u tartamaya hoggaanka ugu sarreeya wadanka iyo in kale .