Hogaanka Soomaalida oo loogu baaqay inay musuqa wax ka qabtan

0
389

Wakiilka xoghayaha guud ee Jimciyada Qaruumaha ka dhexaysa u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa hogaamiyeyaasha Soomaalida ku booriyay inad saxaan nidaamka Maaliyada.
Isagoo ka qeyb galayay Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee la dagaalanka Musuqmaasuqa, ayuu Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay dhismaha hay’ado isla xisaabtan iyo hufnaanta leh, wuxuuna soo dhoweeyay horumarka uu dalka Soomaaliya ka sameeyay dhinacyadaan.
James Swan ayaa sheegay in Musuqmaasuqu caqabad wayn ku yahay horumarka,uuna wiiqayo dadaallada ku aaddan dowlad-dhisidda, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Sidoo kale uu dilayo kalsoonida shacabka, nidaamka hay’adaha dowliga ah iyo awoodda ay ugu adeegayaan shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu xusay in Ayadoo taa la eegayo, ay Qaramada Midoobay dhiirigelinayso ku biirista Soomaaliya ay dhowaan ku biirtay Axdiga Qaramada Midoobay ee ka hortagga musuqmaasuqa ayna tahay talaabo muhiim ah oo horay loo qaaday.
Axdiga Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah musuqmaasuqa (UNCAC), oo ay Soomaaliya xubin-Dowladeed ka noqotay 11-kii Agoosto 2021, waa aalad caalami ah oo muhiim ah oo lagu joogteeyo, lagu maareeyo lagulana socdo dagaalka waddamada ee ka dhanka ah musuqmaasuqa sidoo kale Waa aaladda kaliya ee si sharci ah ugu xiran adduunka ee la dagaalanta musuqmaasuqa.
Qaramada Midoobayda waxay sheegtay inay soo dhowaynayso sida ay Dowladda Faderaalka ugu go’an tahay hirgelinta dib-u-habaynta lagu xoojinayo dawladnimada iyo in la yareeyo u nuglaanshaha musuqmaasuqa,maadaama Ballanqaadkan ay waxa caddaynaya yihiin magacaabista guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa Somaaliya ee bishii May Sanadkaan 2021.
Wakiilka QM ayaa ku booriyay dhammaan laamaha dowladeed inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah si loo ilaaliyo daacadnimada iyo isla xisaabtanka maamulka maaliyadda iyo tasiilaadka dadweynaha iyadoo la xoojinayo qaababka sharciga iyo hay’adaha ee ka dhanka ah musuqmaasuqa islamarkaana la adeegsanayo dhaqangelin adag iyo tallaabooyin ciqaabeed.
Guud ahaan caalamka, Maalinta Caalamiga ah ee La dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa laga xusayaa 9-ka Diseembar iyadoo ujeedadu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan arrimaha musuqmaasuqa iyo doorka UNCAC ee ka hortagga iyo la dagaalanka falalka wax isdabamarinta ah.
Arintaan ayaana ku soo aadaysa ayadoo Warbixin maalmo ka hor soo laga soo saaray qiimeyn la sameeyay ay Soomaaliya kaalmaha hore ka gashay dalalka ugu musuq maasuqa badan wadamada Caalamka.