Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan saacadihii la soo dhaafay ka fuliyay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga galmudug howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ku sugnaa Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in Ciidamada ay sidoo kale gacanta ku dhigeen qalab ay wateen Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo in muddo ah ay ku raad joogeen ciidamada amaanku.
Sidoo kale waxay sheegeen in howlgallada ay noqon doonaan kuwa sii socda ilaa iyo inta laga xaaiijinayo Amniga Guud ee Magaalada Gaalkacyo oo mararka qaar ay falal amni darro ka geystaan Al-Shabaab.
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ay wada Maamulaan Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa marar badan ka dhacay weeraro iyo qaraxyo lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Galmudug. Puntland iyo dad shacab ah.
Dhanka kale Maxmada Ciidamada Qalabka sida ee dowlada Soomaaliya gaar ahaan Qaybta 27-aad ayaa dil toogasho ah ku xukunta Maxamed Cali Xuseen oo horay loogu soo eedeeyay inuu degmada Beled xaawo ee gobolka Gedo ku dilay labo qof oo shacab ahaa.
Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Adan gudoomiyaha maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida qaybta 27-aad ayaa ku dhawaaqay xukunkaan maanta lagu riday askarigaan oo horay uga tirsanaad ciidamada Hay’ada NISA.