DHAGEYSO:Madaxda Wajeer, Isiolo iyo Marsabit oo ku heshiiyay in nabad lagu wada noolaado

0
558

Hoggaamiyaasha siyaasadeed iyo waxgaradka ismaamullada Wajeer, Isiolo iyo Marsabit ayaa kulan ay yeesheen ka dib ku heshiiyay in bulshooyinka dowlad deegaannadan ku nool ay is nabad geliyaan.
Heshiiska la gaaray waxaa warbaahinta Star faafaahin ka siiyay xildhibaanka deegaanka galbeedka Wajeer Axmad Qaloosh

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta ismaamulladan ayaa sheegay in aynan taageersanayn dagaal beeleedyada mararka qaar dhaco waxayna shacabka ugu baaqeen in ay ka tanasulaan colaadda oo ay si nabad ah ku wada degganadaan

Waxaa heshiiska qayb ka ah in madaxda la soo doortay ay degmooyinka kala duwan ku qabtaan kulamo dib u heshiisiin ah sidoo kalena la ogaado oo xal loo helo waxyaabaha sababo isku dhacyada.
Sidoo kale siyaasiyiinta iyo waxgaradka ayaa isku afgartay in la soo dhiso ka dibna la xoojiyo guddiyada amniga .
Dadweynaha ismaamulladan ayaa lagu boorriyay in aynan wax aargoosi ah sameyn inta laga xallinayo shaqaaqooyin dhawaan dhacay.
Sidoo kale dowladda dhexe ayaa loo soo jeediyay in ay laba jibaarto dadaalkeeda ku aaddan ka hor tagga iyo xakameynta dagaallada.
Shirka go’aamadan laga soo saaray waxaa ka qayb galay

  1. Hon Xassan Halufo oo laga soo doortay waqooyiga Isiolo
  2. Hon Rahema Jaldesa -Wakiilka haweenka ee ISiolo
  3. Hon Rashid Qassim – xildhibaanka bariga Wajeer
    4 . Hon Dido Raso- mudanaha deegaan baarlamaneedka Saku
  4. Hon Cabdi Koropo- xildhibaanka koonfurta ISiolo
  5. Hon Safia Sheikh – wakiilka haweenka ee Marsabit
  6. Hon.Maxamad Cilmi – xoghayaha sare ee wasaaradda arrimaha deegaanka u qaabilsan dhanka maamulka
  7. Hon Fatuma Ibrahim- oo ah xubin ka tirsan golaha xeer dejinta ee bariga Afrika ee EALA.
    Waxaa shirka guddoomiyay
    Ibrahim Xussein iyo Dr. Cabdullahi Cali Wako oo kala matalay Wajeer iyo ISiolo.