Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu ansaxiyay amar madaxweyne oo ku aaddan in cunaqabateyn lagu soo rogo taliyaasha militari ee dalka Myanmar.
Hoggaamiyaha Maraykanka ayaa xusay in amarkan uu dhigaya in sida ugu dhaqsiyaha badan cunaqabateyn loo saaro madaxda militari ee afgembiga ka dambeeyay , xubnaha qoysaskooda iyo ganacsiyada ay leeyihiin.
Waxaa uu Biden mar kale ciidamada difaaca ugu baaqay in talada wadankaas ee ay 1-dii bishan qaab afgembi ah kula wareegeen dib ugu celiyaan maamulkii shacabka .
Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in uu xayiraad saari doono waxyaabaha loo dhoofiyo dhanka Myanmar iyadoo la xannibaya hantida ay ka faa’iido dowladda dalkaas.
Hasa ahaate waxaa sii jiri doonto taageerada dhanka caafimaadka iyo dhinacyada kale ee uu Maraykanku u fidiyo Myanmar.