10 arday oo ku dhaawacmay dab qabsaday dugsi ku yaalla Siaya

0
326

Waxaa lagu soo warramayaa in 10 arday ah ay soo gaareen dhaawacyo fudud ka dib markii uu gubtay mid ka mid ah qaybaha jiifka ee dugsiga sare ee Jera oo ku yaalla ismaamulka Siaya.
Goobta uu dabku ka kacay ayaa waxaa seexanayay 60 arday.
Dhacdadan ayaa abaare 8-dii fiidnimo ee xalay laga soo tabiyay dugsigaasi xilli ardayda qaar ay fasallada ku jireen.
Guddoomiyaha tuulada waqooyi bari ee deegaanka Ugenya John Mboto ayaa sheegay in dabka uu qayb kale ku sii fiday oo uuna burburiyay waxyaabo ay ardaydu lahayeen.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ee keentay in dabku uu qabsado xaruntaasi.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i iyo dhigiisa waxbarashada Prof. George Magoha ay soo jeediyeen in dib loo soo celiyo edbintii garaaca ahayd ee ardayda si loo wanaajiyo habdhaqankooda.
Waxay sidoo kale xuseen inay lagama maarmaan tahay in meesha laga saaro dugsiyada leh qaybaha jiifka si xal loogu helo dhacdooyinka isa soo taraya ee ay ardaydu ku gubayaan goobaha waxbarashada.