Labo qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Kisumu

0
406

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada lamaano da’ ahaa ka dib markii nin isa soo miidaamiyay uu xalay nooca bamka ee loo yaqaano IED uu ku qarxiyay ismaamulka Kisumu
Dhacdadan ayaa abaare 10-kii habeenimo ee xalay laga soo tabiyay tuulada Awach ee degmada Katito oo ka tirsan dowlad deegaanka Kisumu.
Tuhmanaha ayaa lagu magacaabaa John Odhiambo waxaa uuna ku geeriyooday isla goobta.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gabadh ay lamaanaha geeriyooday dhaleen ay soo gaareen dhaawacyo culus oo hadda la daweeynaya.
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay taliyaha booliska ee deegmada Nyakach Daniel Chacha.