DHAGEYSO:William Ruto oo ka digay in hay’adaha dowladda loo adeegsado dano siyaasadeed

0
351

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo xulafadiisa ayaa sheegaya inay jiraan shakhsiyaad u adeegsanaya hay’adaha dambi baarista sida DCI-da iyo EACC.
Ruto oo aan cidna si gaar ah u carrabaabin ayaa xusay in Kenya ay tahay dal madax bannaan oo aan la isku caburin karin.
Waxaa uu ka digay in laamaha dowladda gaar ahaan kuwa dambi baarista loo isticmaalo in loogu hanjabo ama lagu cabsi geliyo shakhsiyaadka siyaasad ahaan iinan isku aragtida ahayn.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in musharrax kasta laga doonayo inuu kenyaanka ku qanciyo qorshihiisa horumarineed.