Guddoomiyaha baarlamaanka oo sheegay in musuqmaasuqa uu yahay caqabad xal u baahan

0
276

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa sheegay in falalka lagu lunsado kheyraadka dadweynaha ay yihiin dhibaatooyin ay lagama maarmaan tahay in la xalliyo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in siyaasiyiinta ay iskaga qasan tahay waajibaadka ka saaran u adeegidda bulshada iyo fidinta adeegyada dowladda tani oo horseedda musuqmaasuq.
Mr. Muturi ayaa madaxda siyaasadeed kula taliyay inay ku koobnaadaan waajibaadkooda dastuuriga ah oo aynan ganacsiyada gaarka u ah xiriir kula yeelan dowladda.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa tilmaamay inay adag tahay in qofka uu si daacadnimo ay ku dheehan tahay ugu adeego shacabka isagoo dhanka kale doonaya in dano gaar u ah uu ka fusho dowladda.