Ciidamada dowladda dhexe ee dalka Itoobiya ayaa magaalooyinka kala ah Dessie iyo Kombolcha kala wareegay xoogagga gobolka waqooyi ee Tigray ee TPLF.
Hal bil ka hor ayay ahayd markii kooxda (TPLF) ay qabsatay magaalooyinkan.
Waaxda isgaarsiinta ee dowladda Itoobiya ayaa barta Twitter-ka ku sheegtay in magaalooyinka ay dib ula wareegeen ay yihiin kuwo istaraatiiji ah marka la eego kaalinta ay ka qaataan dhanka ganacsiga iyo wax soo saarka.
Warbaahinta dowladda Itoobiya oo soo xiganaysa ra’iisul wasaare Abiy Axmad ayaa ku warrantay in xoogagga TPLF la gaarsiiyay khasaare culus.
Waxaa uu Abiy xusay inay ka guulaysan doonaan fallaagada in kastoo afhayeenka TPLF Getachew Reda uunan weli arrinkan ka hadlin.