Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay xilli dambe uu halkaasi ka dhacay Bannaanbax xooggan oo ay dhigayeen qaar kamid ah dadka ku nool Magaaladaasi.
Bannaanbaxa oo ahaa mid rabshado watay ayaa waxaa looga soo horjeeday xukuumadda Soomaaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana intiisa badan dhigayay dad u badan dhallinyarada Magaalada Laasacaanood.
Waxaa ay ku dhawaaqayeen Erayo ka dhan ah Maamulka Soomaaliland, iyagoo sheegay inay kasoo horjeedaan dilal ka dhacay Magaalada Laascaanood oo qaarkood ay ku lug leeyihiin Ciidamada Booliska Soomaaliland.
Dad ku sugan Magaalada Laascaanood ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Soomaaliland ay rasaas ku fureen dadka dibadbaxa dhigayay oo qaarkood dhagxaan ku tuurayay Ciidamada, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in bannaanbaxa uu ka dhashay khasaaro dhaawac ah.
Laamaha Amniga Magaalada Laascaanood ee Soomaaliland ayaan weli ka hadlin dibadbaxa rabshadaha watay, wuxuuna kusoo beegmay xilli dhawaan Soomaaliland Magaaladaasi kasoo musaafurisay kumanaan Ruux oo kasoo jeeda deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed kuwaasoo muddo dheer halkaas ku noolaa.