Kenya oo diiwaangalisay 32 oo ah xaaladaha cusub ee COVID19

0
388

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa maanta shaaciyay in 32 qof oo hor leh laga helay cudurka COVID-19 ka dib markii 24-kii saac ee la soo dhaafay baaritaano lagu sameeyay dheecaan dhan 2,893.
Isqaadsiinta caabuqa corona ee ay maanta wasaaraddu sheegtay ayaa u dhiganta boqolkiiba 1.1.
Xaaladahan cusub ayaa tirada guud ee dadka ilaa iyo hadda gudaha wadanka uu ku saameeyay cudurka ka dhigaysa 255,469 qof.
Dadka ugu dambeeyay ee cudurka COVID19 lagu arkay ,31 ka mid ah waa Kenyaan halka qofka kalena uu ajanabi yahay.
Dhanka jinsiyadda waxaa rag ah 17 iyadoo 15-ka kalena ay dumar yihiin.
Waxay da’dooda u dhexeysa 22 sano jir ilaa 64 sano jir sida ay wasaaradda caafimaadka ee dalku sheegtay.
Xaaladahan cusub ayaa ismaamullada laga diiwaan galiyay waxay kala yihiin Nairobi 25, Embu 2 halka ismaamullada kala ah Machakos, Meru, Nyeri, Trans Nzoia iyo West Pokot laga diiwaan galiyay min hal xaalad oo cusub.
Sidoo kale ma jirto dhimasho cusub oo ka dhalatay caabuqa corona taasoo maanta la diiwangeliyay waxayna tirada dhimashadu wali tahay 5,335 guud ahaan dalka.
Wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa laga soo xigtay in 18 qof ay cudurka ka soo caafimaadeen kuwaasoo 15 ka mid ah ay yihiin dadka guryaha lagu daryeelay halka saddexda kalena xarumaha caafimaadka laga soo saaray.
Guud ahaan wadanka , dadka cudurka ka soo bogsaday ayay tiradoodu waxay maraysaa 248,444 qof sida ay wasaaradda caafimaadku sheegtay.
212 bukaan ayaa hadda ku jira xarumaha caafimaadka ee kala duwan sidoo kale 837 qof ayaa guryaha lagu daryeelayaa sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray wasiirka caafimaadka dalka Mutahi Kagwe.
4 qof oo bukaano ah ayaa ku jira qaybta la tacaalidda xaaladaha deg dega ah ee (ICU), kuwaasoo saddex ka mid ah ay isticmaalayaan agabka neef caawiyaha ah in kastoo uunan jirin bukaan xaaladiisu si dhow loola socdo.
Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in dadka ilaa iyo hadda qaatay tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 ay yihiin 7,583,134 qof guud ahaan dalka.