Natiijada doorashada madaxweyne ee Gambia oo la sugayo

0
344

Codbixiyeyaasha dalka Gambia ayaa weli dhagta u taagaya natiijada kama dambeyska ee ka soo bixi karta doorashada madaxweynenimo ee halkaasi ka dhacday.
Codeynta ayaa ah midii ugu horreysay ee ka qabsoonto Gambia tan iyo markii uu bishii koowaad ee sanadkii 2017-kii wadankaasi ka cararay madaxweyne Yaxya Jammeh oo hoggaanka hayay 22 sano laga soo billaabo 1994-tii oo uu talada qaab afgembi ah kula wareegay.
Gambia waxaa hadda madaxweyne ka ah Adama Barrow.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa iyo hadda la shaaciyay natiijada codadkii laga dhiibtay 15 ka mid ah 53-da degmo ee wadanka Gambia.
Waxaa la filayaa in maanta la soo gabagabeeyo tirinta codadka ka hor inta guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Gambia uunan ku dhawaaqin musharraxa madaxweyne ee loolanka ku soo baxay.