Taalibaan oo mamnuucday guurka qasabka ee Afghanistan

0
391

Kooxda Taalibaan oo bartamihii bishii siddeedaad ee sanadkan la wareegtay hoggaanka dalka Afghanistan ayaa mamnuucday guurka qasabka ee haweenka.
Waxaa amarkan dikreeto ku soo saaray madaxa Taalibaan Hibatullah Akhunzada .
Waxaa uu sheegay inaysan ahayn in haweenka loo arko hanti oo ay qasab tahay in oggolaanshahooda la helo ka hor inta aan la guursan.
Hasa ahaate dikreetada kuma cadda da’ada lagu guursan karo haweenka Afghanistan in kastoo uu horay u ahaa 16 sano.
Sidoo kale haweeneyda laga geeriyooday ayaa hadda ka dib loo oggolaanayaa inay si xor ah u guursato nin kale 17 toddobaad ka dib laga soo billaabo taarikhdii uu geeriyooday odaygeeda .