WHO oo sheegtay in Omicron laga xaqiijiyay 38 waddan

0
423

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in faraca cusub ee caabuqa corona ee Omicron ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay 38 waddan.
Hasa ahaate ilaa iyo hadda lama xaqiijin wax dhimasho oo la xiriirta noocan cusub ee cudurka COVID19.
Afhayeenka hay’adda WHO Christian Lindmeier ayaa laga soo xigtay in arrin bogaadin mudan ay tahay in shirkadaha sameeya dawooyinka tallaalka ee COVID-19 ay qorsheynayaan suurtagalnimada lagu sii horumarin karo badeecooyinkooda si bulshada looga badbaadiyo halista nooca corona ee Omicron.