Dowladda dalka Jarmalka ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin cusub oo ay kula tacaalayso faafitaanka faraca cusub ee cudurka COVID19 ee Omicron.
Waxaa tallaabooyinkan ka mid ah in dadka aan weli qaadan dawooyinka tallaalka ee COVID19 oo lagu sheegay boqolkiiba 31 in laga mamnuucayo inay tagaan goobaha laga dukaameysto.
Sidoo kale shakhsiyaadkan ayaan loo oggoleyn inay gudaha u galaan farmashiyaasha.
Dowladda dalkaasi ayaa dhanka kale diyaarinaysa ansaxinta xeer qaadashada tallaalka corona qasab ka dhigaya.
Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa shir jaraaid ka sheegtay inay garwaaqsadeen in xaaladdu ay halis tahay oo ay qaadayaan tallaabooyin dheeraad ah oo lagu badbaadinayo nolosha muwaadiniinta wadankaasi.