Wasiirrada maamulka Galmudug oo degmo cusub ansaxiyay

0
274

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada maamulkaasi oo arrimo dhowr ah lagu falanqeeyay.
Shirka ayaa looga hadlay arrimaha amniga deegaannada maamulkaas, doorashada socota ee xildhibaananda golaha shacabka Soomaaliyeed ayadoo dhinaca kale warbixin looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Galmudug oo ku saabsaneyd Deegaameynta magaalada Xeraale ee Gobolka Galgaduud oo lagu sameynayay qiimayn ku aadan inay degmo u qalanto iyo in kale.
Shirka, oo uu kasoo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa looga dooday, warbixinta wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ee qiimaynta ay soo sameysay, iyadoona ugu dambeyntii cod loo qaaday deegaameynta magaalada Xeraale ay Golaha wasiirrada Galmudug si aqlabiyad leh u ansixiyeen.
Dhinaca kale, wasaaradda Amniga maamulkaasi ayaa golaha u qeybisay nuqulo Xeerka Hubka fudud ah oo ay goluhu soo akhrin doonaan ka ddibna laga doodi doono si loo ansixiyo haddii la isku raaaco ama aan la isku raacina mar kale wasaaradda dib loogu celiyo.