Iyadoo shalay caalamka laga xusay maalinta cudurka AIDS-ka adduunka ayaa waxaa soo baxaya in dowlad deegaanka Wajeer uu ka mid yahay meelaha uu ku badanaya cudurkan.
Hasa ahaate waxaa hoos u dhacay tirada hooyooyinka qabo xanuunkan ee u gudbiya carruurtooda.
Madaxa waaxda qaabilsan xakameynta AIDS-ka ee Wajeer Yuusuf Dhaqane ayaa arrimahan warbaahinta faahfaahin ka siiyay isagoo dhanka kale bulshada ku boorriyay inay ka tanasulaan faquuqa ay ku hayaan bukaannada xanuunkan la nool.
Barasaabka Wajeer Axmad Cali Mukhtaar ayaa dhankiisa sheegay inay lagama maarmaan tahay in sare loo qaado wacyigelinta arrinkan ku aaddan.