Turkiga oo yeelatay wasiirka cusub ee maaliyadda

0
342

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa lagu soo warramayaa inuu xilka wasiirka wasaaradda maaliyadda u magacaabay Nureddin Nebati ka dib markii uu is casilay Lutfi Elvan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dalkaasi uu wajahaya sicir barar dhaqaale.
Lacagta Turkiga ayaa waxaa uu sanadkan qiimaheedu hoos u dhacay in ka badan boqolkiiba 40 marka loo barbardhigo doolarka Maraykanka.
Digreeto ku dhawaad saqdii dhexe ee xalay ka soo baxday madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in madaxweyne Erdogan uu aqbalay is casilaadii Lutfi Elvan isagoo dallacsiiyay ku xigeenkiisi Nureddin Nebati.
Mas’uulka xafiiska baneeyay ayaa wasaaradda maaliyadda ee wadankaasi hoggaaminayay tan iyo bishii 11-aad ee sanadkii hore ka dib markii uu is casilay Berat Albayrak oo uu soddog u yahay Erdogan.