Kal-fadhiayada baarlamaanka oo isbeddel lagu sameeyay

0
717

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa dib u eegis ku sameeyay maalmaha iyo xilliyada uu yeesho kal-fadhiyada kala duwan.
Waxaa laga billaabo 17-ka bishan meesha ka baxaya kulamadii xildhibaannada ay yeelan jireen galinka hore iyo galinka dambe ee maalinka Arbacada.
Maalin kasta oo Talaado ah waxaa jiri doono labo kal-fadhi laga billaabo 2-da iyo barka galabnimo ilaa iyo 6-da iyo barka maqribnimo.
Mudanayaasha ayaa qaadanaya nasasho 30 daqiiqo ah waxayna shir kale yeelanayaan 7-da fiidnimo ilaa 9-ka fiidnimo ee Talaadada.
Maalinka khamiista , kulanka ugu horreeya ayaa billaabanaya 10-ka barqanimo wuxuuna soconayaa ilaa iyo 1-da duhurnimo.
Isla khamiista waxaa jiraya kulamo u dhexeya 2.30- 6.30PM, iyo 7.00 -9.00 fiidnimo.
Tan iyo markii gudaha dalka cudurka COVID-19 laga xaqiijiyay bishii saddexaad ee sanadkii hore, golaha xeer dejinta ayaa isbeddelo dhowr ah sameynayay si loogu hogggaansamo xeerarka caafimaad ee lagula tacaalaya caabuqa corona.