Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa Maanta wuxuu hortagay Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuuna la wadaagay waaxqabadka Xukuumadda ee boqolkii Maalmood ee la soo dhaafay.
Gudoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliyeed Maxamed Mursal Sh C/raxmaan oo Kulanka guddoominayay ayaa Ra’iisulwasaaraha Xasuusiyay in warbixintiisii ay akhristeen Xildhibaanadu sidoo kalena aysan warbixinta Maanta laga sugayo ku jirin arrimaha doorashada maadaama baarlamaanku horay u ansixiyay sharciga doorashooyinka.
Maxamad Xuseen Rooble Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya oo khudbad u jeediyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, Amniga iyo waxqabadka xukuumadiisa ee 100-ka Maalin ee la soo dhaafay.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay Arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay in xukuumadiisa ay dadaal dheeraad ah u gashay sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo la isku raacsan yahay.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa faahfaahin ka siiyay baarlamanaka waxyaabaha ay ku guulaysteen muddadii boqolka Maalmood ahayd ee ay Xilka Haysay Xukuumadda uu hogaaminayo isagoo qodob qodob u kala qaaday.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inay ku guulaysteen ilaa afar arimood oo kala ah hormarinta dhaqaalaha,hormarinta arrimaha bulshada iyo Hormarinta amniga iyo Cadaaladda wadanka.
Waxaa u balanqaaday in Xukuumadiisa ka go’an tahay gaarsiinta dalka Doorasho loo dhan yahay sidoo kale wuxuu Xildhibaanada iyo shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in laga wada shaqeeyo Hormarka wadanka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu sidii uu horayba ugu Balanqaaday fadhigii baarlamaanka ee lagu Ansixiyay uu dadaal dheeraad ah u galayo arrimaha doorashooyinka Qaranka iyo hirgalintooda wuxuna kula dardaarmay isku duubni iyo wada jir guud oo looga gudbo xaaladda hadda uu dalku marayo.