DHAGEYSO:Wakiillada ismaamullada qaar oo arrimaha BBI shacabka ka qayb gelinaya

0
762

Wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada Lamu iyo Nandi ayaa sheegay in ay dadweynaha fursad u siinayaan muujinta dareenkooda ku aaddan hindise sharciyeedka BBI.
Siyaasiyiintan ayaa shaaciyay in aynan taageeri doonin ama ka soo horjeedsan doonin qorshahan ilaa iyo inta si buuxda ay kaga ra’yi dhiibanayaan dadweynaha.
Waxay sheegeen inay haystaan wakhti ku filan oo muwaadiniinta loogu bandhigi karo isbeddellada dhanka dastuurka ee la doonayo in la sameeyo.
Wakiillada ayaa wacad ku maray in go’aanka ay ka qaadanayaan hindise sharciyeedka BBI uu noqon doono mid ku qotomo rabitaanka dadweynaha

Laamaha ammaanka ee ismaamulka Lamu ayaa dhankooda ballanqaaday in amniga si weyn loo sugi doono marka la qabanaya kulamada ay shacabka kaga hadlayaan BBI

Qorshaha ku aaddan in dalka ay ka dhacdo afti dastuuri ah ayaa ilaa iyo hadda laga ansaxiyay ismaamullada Siaya iyo Kisumu.