William Ruto oo hoggaamiyaasha ugu baaqay in aysan hoos u dhigin sumcadda madaxweynaha

0
735

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ka codsaday siyaasiyiinta inaysan hoos u dhigin sumcadda madaxweyne Uhuru Kenyatta oo aysan ku tilmaamim hoggaamiyaha gobolka bartamaha dalka.
Waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in qaar ka mid madaxda dalka ay madaxweyne Uhuru Kenyatta ku tilmaamaan inuu yahay hoggaamiye qabiil.
Dr. Ruto ayaa xusay in madaxweynaha dalka ay Kenyaanka ka soo doorteen meel walba oo dalka ka mid ah islamarkaana uu astaan wanaagsan u yahay midnimada qaranka.
Hadlkan ayuu jeediyay xilli u shalay ka qayb galay aaska hooyada xildhibaanka magaalada Thika ee ismaamulka Kiambu Patrick Wainaina.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in uunan weligii isku arag inuu yahay keliya hoggaamiyaha gobolka Rift Valley balse uu u adeegaya dhammaan Kenyanka.
Waxaa uu William Ruto dhanka kale madaxda siyaasadeed ka codsaday in ay ka fogaadaan siyaasadda ku dhisan qabyaaladda ayna u adeegaan Kenyanka iyadoo aan loo eegayn qowmiyadahooda.
Sidoo kale siyaasiyiinta ayuu ku boorriyay in ay is kaashadaan kana shaqeeyaan sidii loo heli lahaa dal nabdoon, barwaaqo iyo midnimo.
Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in ay oggolaan doonin in dalku dib ugu laabto siyaasadda qabyaaladda sidaas awgeedna la doonaya in si wadajir ah loo wada shaqeeyo si wadanka uu horumar ugu tallaabsado