Ruushka oo dhammaadka bisha koowaad ee sanadka dambe eryaya shaqaalaha safaaradda Maraykanka

0
440

Dowladda Ruushka ayaa maanta shaacisay in marka la gaaro 31-da bisha koowaad ee sanadka soo socdo ay dalkeeda ka saari doonto dibloomaasiyiinta safaaradda Maraykanka ee magaalada Moscow ka howlgelayay wax badan saddex sano.
Tallaabadan ayaa ah mid looga falcelinayo go’aan ay dhawaan qaadatay dowladda Maraykanka.
Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in 30-ka bisha Jannaayo ay eryi doonto 27 dibloomaasi oo u dhashay Ruushka iyo qoysaskooda.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Maria Zakharova ayaa shir jaraaid ka sheegtay inay sameynayaan falcelin u dhiganta midda uu qaadayo Maraykanka.