IEBC oo digniin u dirtay musharraxiinta ka qayb qaata goobaha lacag uruurinta lagu sameeyo

0
491

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa sheegay in musharraxiinta doonaya inay u tartamaan jagooyinka kala duwan ee doorashada guud sanadka dambe ee 2022-ka aan loo ogolaan doonin inay ka qayb qaataan goobaha xafladaha ee lacag aruurinta lagu sameeya laga bilaabo 9-ka bishan Diseembar.
Mr.Chebukati ayaa ka soo hormuuqday guddiga qaabilsan cadaaladda iyo arrimaha sharciga ee aqalka sare si uu u iftiimiyo u diyaar garowga guddiga IEBC ee qabashada doorashada guud ee soo socoto.
Waxaa uu sheegay in musharraxiinta si kastaba ha ahaatee ay ololahooda gaarka ah lacag uruurin u sameyn karaan.
Tallabadaan ayuu guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC ku tilmaamay in looga hortaggayo musharraxiinta lacagaha siiya codbixiyeyaasha, si ay ugu codeeyaan ama u doortaan ayaga.
Waxaa uu ka digay in ciddii ka hor timaada amarkan laga hor istaagi doono inay ka qayb gasho doorashada guud sida ku cad qodobka 26-aad ee shuruucda u degsan IEBC.
“Qofka si toos ah ama si dadban uga qayb qaata qaab kasta oo lacag ururin dadweyne, 8 bilood ka hor doorasho guud ama inta lagu jiro xilliga doorashada waa laga hor istaagaya inuu u tartamo doorashada guud” ayuu yiri Mr.Chebukati.
Guddiga IEBC ayaa dhanka kale sheegay ilaa iyo hadda xisbiyada siyaasadeed aynan u hoggaansamin xeerarka u degsan kala saaridda musharraxiinta.